Dood cilmiyeed ku saabsan Sare u qaadida ka qaybgalka bulshada ee Doorashooyinka tijaabada ah ee golayaasha deegaanka Puntland
Machadka Cilmi baarista iyo daraasaadka ee KAAD ayaa magaalada Garoowe ee caasimada DPL ku qabtay Dood cilmiyeed ku saabsan Sare u qaadida ka qaybgalka bulshada ee Doorashooyinka tijaabada ah ee golayaasha deegaanka Puntland oo markii ugu horaysay ka dhacaysa Puntland iyadoo dadweynuhu ay codkooda dhiiban doonaan soona dooran doonaan golayaasha Deegaanka ee Puntland.
Doodaan oo aad u xiiso badnayd waxaa kasoo qaybgalay hogaamiyeyaasha ururada bulshada Rayidka ee Puntland gaar ahaana Dalladda PUNSAA iyo gudoonka ururka warbaahinta Puntland “MAP”, waxaana sidoo kale goobjoog ka ahaa gudiga kumeelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland, aqoonyahanada, ururada haweenka, cilmi baarayaal iyo sharciyaqaano waxaana doodaan si wayn loogu gorfeeyey caqabadaha kajira doorashada ee kusaabsan ka qaybgalka guud ee bulshada iyo arimo kale.