Xaflada Daah-Furka Machadka Kaad
Waxaa magaalada Garoowe ee caasimada Puntland si rasmi ah looga daahfuray Machadka Cilmi baarista iyo Tababarada ee KAAD oo dhawaan laga aasaasay Soomaaliya, waxaana daahfurkii xafladaan ka qaybgalay madax uu hogaaminayo gudoomiyaha golaha Wakiilada Puntland, kuxigeenadiisa, wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, aqoon yahano iyo madax kale oo katirsan dawlada Puntland ee Soomaaliya oo imika xarunta ugu wayn ee Machadka laga hirgaliyey.
Ugu horayn aqoonyahanada aasaasay Machadka Cilmibaarista iyo tababarada ee KAAD ayaa sharaxaad mugwayn ka baxshay ujeedada loo aasaasay machadkan, waxaana ay sheegeen in KAAD uu qayb ka qaadanayo hormarinta xirfadaha
Asaasayaasha KAAD ayaa sheegey in Machadku uu si gaar ah uga shaqayn doono xoojinta iyo hormarinta dhanka farsamo ee Adeegyada Bulshada (Waxbarashada, Caafimaadka, Dhallinyarada iyo Qoyska),Kaluumeysiga iyo Cilmiga Badda, Beeraha iyo Biyaha, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Dib u Dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha, Maamul wanaagga iyo Horumarinta Ganacsiga gaarka looleeyahay, islamarkaasna uu Machadku adeegyadaan u wada fidin doono bulshada Soomaaliyeed.
– Malcolm Franzcrip
Dhamaan ka qaybgalayaashii Daahfurka KAAD ayaa siwayn usoo dhaweeyey Machadkan waxaana ay sheegeen in ay rajaynayaan in machadku uu wax wayn kusoo kordhiyo hormarinta bulshada gaar ahaana xirfadaha.